Dadwaynaha oo fasiraad ka bixiyey sababta uu Deni Cadaado uga degey

0

(Samareeb) 02 Feb 2021 – Waxaa magaalada Samareeb ku qulqulaya wefdi ka socda DF Somalia iyo maamullada gobollada oo halkaa shir ku yeelanaya.

MW Puntland, Md Siciid Cabdullaahi Deni, oo madaxda halkaa tegeysa ka mid ah ayaa si ka duwan wefdiga kale wuxuu isagu kasoo degey dhanka Cadaado, isagoo kaddib safar dhulka ah ku tegaya caasimadda Galmudug.

Dadwaynaha baraha bulshada adeegsada ayaa tillaabadan uu Deni qaaday ku fasiray mid uu ku dirayo farriin ku aaddan inuusan ku kalsoonayn nabad gelyada caasimadda Galmudug oo xalay ay hoobiyeyaal ka dheceen.

”Odaygu in hoobiye lagu tuuro ayuu ka baqay malaha.” ayuu soo qoray qof ka fal celinayey warka safarka Deni.

”Walaal taxaddarkaagu waa badan yahay.” ayuu mid kale soo qoray.

”Ma jiro nabad gelyo darro Samareeb looga degi waayo.” ayuu ku dooday qof kale.

Si kastaba Ciidamada Gor Gor ayaa la sheegayaa inay dileen rag ka tirsan Al Shabaab oo ka dambeeyey hoobiyaha lagu garaacay magaalada Samareeb.

Hadalsame Media