Qoysaskii ay ku tacaddisey hay’adda canshuuraha Holland oo magdhow kumannaan ah loo xukumay

0

(Hague) 31 Jan 2021 – Dowladda Holland ayaa ku ceeboowdey arrin ay kula kacday qoysas lagu eedeeyey inay musuq ku sameeyeen lacagaha lagu taageero carruurta, taasoo keentay inay is casisho Xukuumaddii RW Mark Rutte, waloow aysan misaali uun tahay maadaama ay iyadu sii shaqaynayso inta laga gaarayo doorashada bisha Maarso.

Hay’adda Canshuuraha dalkaa ugu qaybsan ee Belastingdienst, ayaa qaab been abuur ah qoysaska ugu eedeeysay inay canshuur musuqeen iyadoo ku amartay inay lacago kumannaan ah soo celiyaan bil kasta min 2014 ilaa 2019-kii, iyadoo tirada qoysaska lagu sheegay 26,000 oo qoys.

MIDAB KALA SOOC – Hay’addan ayaa qiratay in dadka ajnabiga ah si gaar ah loo bartilmaameedsaday iyadoo sheegtay in ay 2012-kii soo bilowday nidaam si gaar ah diiradda u saaraya qofka aan asal ahaan Dutch-ka ahayn, taasoo saamaysay 11,000 oo qoys, taasoo noqotay fadeexad kale.

Maxkamadda ayaa haatan xukuntay in qoyskii dhibbane ahba la siiyo magdhow gaaraysa 30,000 oo euro ($36,340 oo doollar), waloow aysan taasi dawayn karin xanuunka niyadeed iyo midka dhaqaale ee dadkan la marsiiyey, sida uu qiray isla RW Rutte.

Hadalsame Media