ARRIN UGUB AH: Imaaraadka oo markii ugu horreeysey dhalasho siinaya ajaanibta (Dadka xaqa u yeelanaya)

0

(Abuu Dabeey) 31 Jan 2021 – Dowladda Imaaraadka (UAE) ayaa shalay go’aan u gaartey in dhalasho la siiyo dad shisheeye ah oo xirfaddooda loo xushay, wax loo arkay tillaabo naadir ah oo kasoo yeertey dalkan Khaliijka dhaca.

Ninka ka taliya Dubai oo sidoo kale ah RW Imaaraadka, Sheikh Mohammed bin Rashed Al-Maktoum, ayaa sheegay in “maalgashadayaasha, dadka leh hibada iyo xirfadaha gaarka ah oo ay saynisyahannadu ku jiraan, dhakhaatiirta, injineerrada, farshaxanka, qorayaasha iyo qoysaskoodu” ay xaq u yeelan doonaan in ay helaan jinsiyadda Imaaraadka.

“Golaha Wasiirrada Imaaraadka, maxkamadaha imaaradaha iyo golaha fulinta ayaa magacaabi doona qofka xaq u yeelanaya dhalashada iyagoo ku socda hab-raac cad.” ayuu yiri Sheikh Mohammed oo sheegay in uu qofku sidoo kale haysan karo jinsiyad kale.

Imaaraadka ayaa sheegay inay tillaabadan uga dan leeyihiin inay qiimeeyaan dadka leh hibada iyo kartida gaarka ah ee haatan jooga dalkaasi, sidoo kalena ay soo jiitaan dadka xirfadda leh ee caalamka.

Dalkan hodonka ah ee Gacanka ku yaalla ayaa leh dad aan gaaraynin 2 milyan, balse waxaa ku nool kuwo 10 jeer ka badan iyaga oo ay qaarkood halkaa joogeen 2 jiil, ha yeeshee, si uu u ilaaliyo nidaam barwaaqo sooran ah oo uu dadkiisa siiyo min maalinta ay dhashaan ilaa ay ka dhintaan, inta badan ma dhacdo inuu dhalasho siiyo ajnabiga.

Hadalsame Media