Sweden oo cabsi wayn ka qabta arrin dhici karta marka la bilaabo tallaalka dadwaynaha (Dhegeyso)

0

(Stockholm) 29 Jan 2021 – Ekot ayaa sahan ay ka samaysay dhamaanba 21-ka gobol ee ay Sweden ka kooban tahay dadka hordhigtay dood ku saabsan sida loo wada tallaali karo dadwaynaha jeer maanka lagu hayo inuu culays badani fuuli karo server-rada 1177, iyadoo qof kasta la hor dhigay 17 su’aalood, iyagoo sheegay inay jeclaan lahaayeen inay iska diiwaan geliyaan oo ballanta ka qabsadaan 1177.se. halka ay qaar kale sheegeen inay ka fikirayaan ikhtiyaarro kale.

Sofie Zetterström, waa madax qaybeed ka tirsan 1177.

‘’Waxaannu samaynay wax kasta oo aannu ku xoojin karno hilin howleedyadeenna balse dabcan xad baa jira, ayay tiri.

Gobollada qaar sida Stockholm, Norrbotten iyo Halland ayay dadku inta badan doorteen inay iskood ballanta ugu qabsadaan 1177.se. yeelkeede, qaar kale ay sheegeen inay wanaagsan tahay in la sahmiyo dookhyo kale sida telefoon, waxaana kuwaa ka mid ah gobolka Västmanland. Jonas Ekström, waa isu duwaha arrimaha tallaalka ee gobolkaasi. ‘’Waxaan haysannaa dookhyo kale, balse ma aha kuwo deg deg lagu xallin karo, ee waxay qaadanayaan dhowr todobaad kahor inta aanay diyaar noqon.’’ Ayuu yiri.

Dadwaynaha caadiga ah ayaa kaalinta 4-aad uga jira dhanka muhiimad siinta tallaalka ee ay samaysay FHM, waana dad gaaraya 5.6 milyan oo qofood. In dadku ay iyagu doortaan goorta la tallaalayo waxaa sida ay Ekot ogaatey ka fikiraya gobollada Uppsala, Östergötland, Blekinge iyo Jönköping oo qura.

Haddii si kale loo yiraahdo, waxaa aad loo filayaa in laga saa’id caleeyo oo uu culays badani koro 1177 marka si rasmi ah loo guda galo tallaalka dadwaynaha guud ee Sweden, balse Sofie Zetterström ayaa rajaynaysa inay arrintaa iminkaba kasii gaashaaman doonaan si aanu iskugu dhex dhicin nidaamku, iyadoo ballan qaadday kordhinta server-rada howleed ee ay ku shaqeeyaan.

Hadalsame Media