MW Somalia oo iclaamiyey kulan uu la yeelanayo madaxda maamullada & tillaabo kale + Goorta & Goobta

0

(Muqdisho) 30 Jan 2021 – Kaddib kulankii maanta ku qabsoomay Madaxtooyada Somalia ee ay ku wada hadleen MW Somalia iyo dalalka jaalka la ah Somalia, waxaa Madaxtooyada haatan kasoo baxay war cusub.

MW Somalia, Md Maxamed Farmaajo, ayaa ku dhawaaqay qorshe cusub oo uu damacsan yahay si horay loogu galo howlaha daahay ee doorashada madaxtinnimada dalka.

”Dadaal qayb ka ah heshiiskii 17-kii Sebtembar ee dhanka doorashada, waxaannu kulan wada tashi ah oo 3 maalmood qaadanaya ku qaban doonnaa magaalada Samareeb, halkaasoo aannu isku arkayno maamullada 1-3 Febraayo,” ayuu warkiisa ku bilaabay MW Somalia.

”Marka la gaaro 5-ta Febraayo waxaan la hadli doonaa labada aqal ee baarlamaanka si aan ugu sharraxo horumarka laga sameeyey doorashada heer federaal.” ayuu daba dhigay war uu soo dhigay Twitter-ka.

Hadalsame Media