”Sharci ma aha!” – DF Somalia oo diiddey guddigii ay soo magacaabeen Puntaland & Jubbaland

0

(Muqdisho) 28 Jan 2021 – DF Somalia ayaa diidey qoraal kasoo baxay maamullada Puntland iyo Jubbaland kaasoo ay ku sheegeen in ay ku magacaabeen guddigii ku meteli lahaa doorashada lagu muransan yahay.

DF ayaa ku doodaysa in heshiiskii Xamar lagu saxiixay 17-kii Sebtembar ee markii dambe la meel mariyey 1-dii Oktoobar ee isla sanadkii hore ay si cad u qeexayeen hab-raaca loo marayo xulista guddiga.

Waxay intaa ku dareen in aan xitaa qoraala ay maamulladu baraha bulshada ku faafiyeen aan loo dirin DF Somalia.

Waloow ay DF ku gaabsatay in ay guddigani xeerka baalmarsan yihiin misna ma aysan faahfaahin xeerka lagu tuntay iyo sida.

Hadalsame Media