Qoowmiyadaha Kikuuyada & Kalenjiinka oo isku koobay boosaskii dowladda Kenya (Soomaalida oo ka mid ah qoowmiyadaha dhacan)

0

(Nairobi) 28 Jan 2021 – Qoowmiyada Kikuyu iyo Kalenjins ayaa si aan caadi ahayn iskugu koobay xilalka qaran iyo shaqooyinka dowladda Kenya ee adeegga bulshada, sida ku cad warbixin uu soo saaray Guddiga Adeegga Bulshada ee PSC.

Qooqmiyadaha Mijikenda, Turkana, Somalis iyo Luhya ayaa ka mid ah qoowmiyaadka dhacan marka la eego boqolleeyda ay ka yihiin tirakoobka dadka ay Kenya haatan la kooban tahay ee la sameeyey 2019-kii.

Marka la eego qiimaynta bishii Juun 2020, dad dhan 45,291 oo Kikuyu ah, taasoo ah 21% xilalka dowladda. Waxaa soo raaca 35,991 oo qofood oo Kalenjin ah, waana 16.7% marka la qaybiyo 214,606 boos oo dowladeed.

Luo ayaa 3-aad gashay, waxayna haystaan 25,382 oo boos, halka Luhya ay 4-aad ku joogto 25,382, halka 16,167 ay qaateen Kisii-gu, taasoo ka dhigan inay haystaan xilal ka badan kuwa ay boqolleey ahaan ka yihiin dalka.

Soomaalida oo ka mid ah dadka dhacan ayaa haysta 5,052  oo boos, taasoo boqolleeyda shaqooyinka ka ah 2.35%.

Qoowmiyaadka Dahalo iyo Wayyu — oo inta badan dega afka webiga Tana River — ayaan hal boosna haysan.

Waxaana soo raaca qoowmiyaadka Suba, Swahili, Teso, Tharaka, Samburu, Sakuye, Rendile, Orma, Meru, Mbeere, Maasai, Makonde, Kuria, Embu, Gabra, El Molo, Dorobo, Borana, Burji, Bajuni, Kamba, Ilchalmus, Nubi iyo Pokomo oo fara maran.

Hadalame Media