”Kuma jiraan xiriirka labada dal” – Kenya oo sheegtay inaysan DF Somalia aysan iyaga kala hadli karin ciidanka ka jooga Somalia

0

(Nairobi) 28 Jan 2021 – Dowladda Kenya ayaa sheegtay in ciidanka Somalia ka jooga ay hoos tagaan taliska AMISOM sidaa darteed aanay kasoo baxaynin Somalia.

Wasiirka Gaashaandhigga, Monica Juma, ayaa ku doodday in Kenya aanay go’aan ka gaari karin ciidankaasi oo ay sheegtay inaysan joogistoodu shuqul ku lahayn xiriirka labada dal ee Somalia iyo Kenya, mar ay ka hadlaysey xero ciidan oo ay Ingiriisku leeyihiin oo ku taalla Kenya (BATUK).

Juma ayaa markii ay hadalkaa sheegaysey waxaa wehlinayey Wasiirka Gaashaandhigga, Ben Wallace, oo xerada ka furayey Nyati oo ku taalla magaalada Nanyuki halkaasoo sidoo kale lagu tababaro ciidanka Kenya.

Waxay ku faantay in ciidanka KDF ay waqti ku filan ku sugan yihiin Somalia taasoo siinaysa khibrad wax ku ool ah oo ay kula dagaallamaan kooxda Al Shabaab oo ay ku tilmaantay kuwo halis ku ah amaanka Kenya, iyadoo sheegtay in kuwa UK ay iyaguna kusoo tababarteen dagaallada Ciraaq iyo Afghanstan.

Warkan ayaa ka dhigan in Kenya aysan Somalia fasax uga qaadanaynin bixitaanka, gelitaanka iyo joogitaanka ciidankooda halkaa jooga.

Hadalsame Media