”Annaga hannala soo aadina arrimaha aad isku haysaan!” – Dowladda Kenya oo si jees jees ah uga hadashay eedda DF

0

(Nairobi) 28 Jan 2021 – Kenya ayaa madaxda Soomaalida ugu baaqday inay joojiyaan inay siyaasadooda gudaha lasoo doontaan Kenya, balse ay taa bidaalkeeda diiradda saaraan dib u dhiska dalkooda.

Afhayeenka Dowladda Kenya, Cyrus Oguna, ayaa ku dooday in madaxda Soomaalidu ay siyaasaddooda maxalliga ah u adeegsanayaan inay bareejo kaga raadiyaan Kenya, balse wuxuu sheegay in taas waqtigeedu dhamaaday, sida uu yiri.

“Dal ahaan, ma aqbali doonno in nala geliyo siyaasadda gudaha ee Somalia. Waxaa hubaal ah in waxa ka dhacaya Beled Xaawo ay sal ku leeyihiin siyaasadda gudaha Somalia, marka anaga hana soo gelinina.” ayuu yiri Oguna.

Oguna ayaa sida muuqata daba socdey warbixintii IGAD oo Kenya ka dhigtay mid beri ka ah faragelinta Somalia, isagoo eedda Somalia ku tilmaamay mid aan lahayn ”miisaan culus oo loogu qiil samayn karo” in xiriirka loo jaro Kenya.

Si kastaba, Somalia ayaa ganafka ku dhufatay warbixinta IGAD oo ay ku tilmaantay mid u xaglinaysa dhanka Kenya, iyadoo eed u jeedisey Jabuuti.

Hadalsame Media