”Waan quusin karnaa maraakiibta dagaal ee Maraykanka” – Iiraan oo hanjabaad cusub soo dirtay

0

(Tehraan) 27 Jan 2021 – Sarkaal sare oo ka tirsan Ciidamada Ilaalada Jamhuuriga ee Iiraan ee IRGC ayaa ku dooday inay awood u leeyihiin inay quusiyaan maraakiibta dagaal ee Maraykanka haddii ay xeebohooda usoo dhowaadaan.

Warka jeneraalkan ayaa qowl cadaawadeed ku qaabilaya Madaxwaynaha cusub ee Maraykanka ee Joe Biden oo ah nin ka socda Dimoqraadiga.

“Joogitaanka Maraykanka ee biyaha caalamiga ah ee Iiraan u dhow waxaa loo arkayaa halis ka dhan ah dalkeenna,” ayuu yiri Jeneraal Rahim Noei-Aghdam oo la hadlayey Wakaaladda Mehr.

Wuxuu intaa raacshey inay leeyihiin awood wax iska caabineed oo ka kooban gantaalada dhul ka dhul, dhul ka cir, dhul ka xeeb, xeeb ka xeeb, xeeb ka bad, iyo bad ka bad, kuwaasoo awood u leh inay burburiyaan maraakiibta Maraykanka.

Wuxuu kaloo ku faanay in si ka duwan Maraykanka ay ciidankoodu leeyihiin awood sirdoon, mid diyaar garow, mid guur guurid, mid dagaal, isku xirnaan iyo mid moraal.

Maraykanka iyo Iiraan ayaa aalaaba hanjabaado kala duwan is dhaafsada, waloow ay mar kasta dhici karto in hanjabaaddu dhabowdo ama si lama filaan ah la iskugu dhoco.

Hadalsame Media