”Ma filayin!” – DF Somalia oo furka ku xoortay xaqiiqo raadinta ay Jabuuti ka samaysay muranka Somalia iyo Kenya

0

(Muqdisho) 27 Jan 2021 – Wasiirka Warfaafinta DF Somalia, Cismaan Abuukar Dubbe, oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa guddigii xaqiiqa raadinta ahaa ee reer Jabuuti ku tilmaamay ”kuwo la saftay Kenya.”

Guddigan oo laga saaray shirkii 20-kii Diseembar ay madaxda IGAD ku yeesheen Jabuuti ayaa booqday labada dal ee Somalia iyo Kenya iyagoo sidoo kale tegey ”xadka” labada dal haatan kala qaybiya.

Waxay kaddib soo saareen warbixin ay ku sheegayaan in aanay soo arag wax caddaynaya inay Kenya halkaa ka abaabulayso ciidan soo weerara gudaha Somalia, waxaase arrintaa ka hadlay DF.

“Somalia way ku faraxday markii Jabuuti loo xil saaray baaritaankaas, warbixintii waa soo baxday, balse DF wuxuu ku noqday fajac iyo amakaag, wax kasta oo ay Somalia dhibsatay oo ay ka dacwootay guddigu waxa uu ka dhigay waxba kama jiraan.” ayuu yiri wasiir Dubbe.

”Warbixintii laga sugayey guddidii xaqiiqo raadinta Jabuuti ee dhibaatooyinka Kenya ku hayso Soomaaliya waxay noqotay mid hal dhinac u xaglisay oo aan dhexdhexaad ahayn.” ayuu mar kale Facebook kusoo qoray Wasiirku.

Waloow ay guddiga Jabuuti sheegeen inaysan soo arag wax ciidan ah misna waxaa dorraad halkaa ka dhacay dagaal ay ku lug leeyihiin ciidan malliishiyaad ah oo ay taageerto Kenya.

Hadalsame Media