Booliiska & Yuhuudda asal raaca ah oo iskula dhacay magaalada Quddus + Sababta (Daawo)

0

(Quddus) 27 Jan 2021 – Qaswadayaal dhagxaan sayrinaya isla markaana jidadka xiraya si ay u diidaan handaraabka cudurka Covid-19 ayay foodda is dareen Booliiska Israel.

Qasawadayaasha oo ka socda Yuhuudda asal raaca ah ee ku dhaqan Quddusta la haysto, gaar ahaan Rioters threw rocks, blocked roads and scuffled with police in an ultra-Orthodox neighborhood Mea Shearim, ayaa dhagxaan kala daaley booliiska iyagoo waddooyinka qashin iyo walxo kale ku jaray.

Booliiska ayaa deeto gurmad u yeertey iyagoo gurmad ka helay kuwa rabshadaha ka hor taga oo ku qalabaysan gawaarida biyaha tuura, gaaska ilmada iyo rasaasta cinjirka si ay saxmadda u kala cayriyaan.

Muuqaalladii ugu dambeeyey ayaa laga arkayaa dab holcaya iyo dad ka mid ah rabsho walayaasha oo la jiidayo si loo xiro.

 

Hadalsame Media