Aroos ka dhacay Hargaysa oo indhaha caalamka soo jiitey & siyaasiyiin qalaad oo amaan kala dul dhacay (Daawo)

0

(Hadalsame) 27 Jan 2021 – Senatarka reer Nigeria ee Shehu Sani ayaa amaan kala dul dhacay dhaqanka Soomaalida isagoo soo qaatay aroos ka dhacay magaalada Hargaysa oo ay barnaamij ka samaysay Al Jazeera English.

”Dokumenteri ay Al Jazeera ka sameeysay aroos dhaqameed Soomaaliyeed ayaa wuxuu muujiyey quruxda iyo dhaqanka hodonka ah ee dalkan dhaca Bariga Afrika,” ayuu warkiisa ku bilaabay Senatarku.

Sani oo sidoo kale ah dhaqan yaqaan maadaama uu qoraa yahay ayaa sheegay dharka iyo bandhigga caruuska ee barnaamijkaa lagu daawaday uu indha daraandar ka qaaday. Somalia ma aha uun dagaal iyo silac, balse waa gees, gees dahabi ah.” ayuu daba dhigay.

Hadalsame Media