Siyaasi sare oo ka tirsan Jubaland oo ku dhintay dagaalkii Beled Xaawo

0

(Hadalsame) 26 Jan 2021 – Wiil geel jire ah iyo wadaad ayaa beri ku tartamay in ay ka boodaan geed Xanan ah. Wadaadki ayaa ku dhex dhacay Xanankii oo maradi kala haray.

Wiilkii ayaa laga sheegay in uu yiri, “wadaadku inuusan oodda ka boodi karin waa ogaaye in cawradiisa la arkaa idmaneyd’’!

Hadda Axmed Madoobe, Cabdirashiid Janan iyo Maxamuud Sayid Aadan weerarka ay Beled Xaawo, ku qaadeen ma in cududdooda la arkaa qornayd?
Maatada iyo dhalinyarada Beled Xaawo ku dhimatay waxaa dheer in dagaalka lagu dilay Xildhibaan Maxamed Afeey oo Golaha Wakiilada Jubaland, ka tirsanaa. Haddii Xildhibaan Afeey, malaa’iktu weydiiso, ‘‘war maxaa ku geliyey dagaalka ama laguu dilay?’’ U maleyn maayo in uu jawaab u hayo maanta!!

Siyaasadda iyo qoriga oo xabadda laga rido waa labo xeelad oo la kala dhowro!

Waxaa Qoray: Mahad Geelle

Hadalsame Media