Ayaan Yar oo lagu daray shaqaalaha Bankiga Dhexe ee Somaliland oo loo qabtay munaasabad soo dhowayn ah + Sawirro

0

(Hargaysa) 26 Jan 2021 – Bankiga Dhexe ee Somaliland ayaa shaqo u yeelay gabar yar oo beri dhowayd baraha bulshada lasoo geliyey iyadoo ay silcinayso qof hawaanay ah.

Ayaan Yar ayaa la daawaday iyada oo ay handadayso haweenay la fahamsan yahay inay u shaqaynaysey, iyadoo waydiinaysey su’aalo badan oo aan munaasib ahayn uguna goodinaysey inay muuqaalkeeda faafinayso, taasoo sida muuqata ay yeeshay.

Bankiga Dhexe ee Somaliland ayaa haatan munaasabad soo dhaweyn ah u qabtay Ayaan Yariisey oo ah oo ka mid noqon doonta shaqaalaha Bankiga waloow aan la sheegin nooca shaqada ay ka qaban doonto.

Si kastaba, waa mid la quud darraynayo inay u dhaami doonto silicii laga soo saaray.

Hadalsame Media