Turkiga oo qalabka lagu arko shucaaca laysarka iyo hub kale siiyey dal Yurub ah

0

(Tbilisi) 25 Jan 2021 – Turkiga ayaa millateriga Georgia ugu deeqay agab ciidan kuwaasoo ay ka mid yihiin qalabka lagu arko shucaaca laysarka iyo agab kale oo loo adeegsado injineeriyadda ciidamada.

Waxaa agabkan la kala wareegey Madaxa Waaxda Qorshaynta Istaraatijiga ah ee Georgia, Jen. Ioseb Nikoleishvili iyo ninka haysta millateriga ku xiran Safaaradda Turkiga ee Tbilisi, Gaashaanle Colonel Burak Altuner, oo heshiiska kala saxiixday.

Jeneraalka Georgian-ka ah ayaa sheegay in agabkan la siiyey lagu wareejin doono qaybaha dagaalka iyo injineeriyadda oo u kaalmaysan doona fulinta howlaha ay u xilsaaran yihiin.

Deeqdan ayaa waxaa kasii horreeysey mid bishii Nofeembar ay Turkigu dalkaa ku siiyeen 36 bas ciidan iyo 12 ah gaadiidka culus ee geed qaadka ah oo gaashaaman oo lagu wareejiyey ciidanka lugta Georgia oo ka mid ah dalalkii ka go’ay Midowgii Soofiyeeti ee burburay.

Hadalsame Media