QM oo si hoose u wadda qorshe lagu bedelayo AMISOM + 3 dookh oo ay diyaarisay & AMISOM oo diiddan (Doorkii Somalia?)

0
James Swan, the new UN Secretary-General's Special Representative for Somalia, inspects a parade mounted by the United Nations Guard Unit upon arrival at Aden Abdulle International Airport, Mogadishu, Somalia, on 25 June 2019. UN Photo / Ilyas Ahmed

(Muqdisho) 23 Jan 2021 – QM ayaa si hoose uga shaqaynaysa hindise ay ku doonayso in lagu bedelo howlgalka AMISOM ee Somalia oo haatan halkaa ka socda muddo ka badan 10 sanadood, balse aan weli nabad buuxda kusoo dabbaalin Somalia.

Xoghayaha Guud ee QM, António Guterres, ayaa bishii Agoosto halkaa u diray wefdi xaqiiqo raadin ah oo aan la shaacinin, si ay uga soo tala bixiyaan waxa xiga ee la yeelayo kaddib marka ay baxaan 21,000 oo askari oo Afrikaan ah.

Sida xogta lagu helayo waxaa Guterres hadda miiska loo saaray 3 dookh:

1 – In AMISOM lagu bedelo ciidamo ka socda QM gaar ahaan Golaha Amaanka oo sharciyad ku haysta sugidda amaanka dunida, taasoo meel saaraysa bixinta kharashaadkooda, maadaama aanu Midowga Afrika oo uu haatan howlgalku hoostago uusan kharashka bixin karin.

2 – Waxay guddigii xaqiiqa raadinta soo hindiseen in la sameeyo ciidamo isku barxan oo QM iyo AU ka kala socda.

3 – Waa in la raaco habka G5 Sahel oo ka kooban ciidamo isku dhaf ah oo ay soo direen dalal Afrikaan ah oo lagu daray kuwa Faransiiska, kuwaasoo Al Qaaciddada Maqrib (AQIM) kula dagaallama halkaasi.

Yeelkeede, waxaa qorshahan diiddan AMISOM oo xitaa diidey inay la shaqeeyaan guddigii xaqiiqa raadinta aha ee Agoosto Muqdisho tegey, waxayna sida muuqata doonayaan inay iyagu gacanta ku hayaan howlgalka, balse dhibka jira waxay u baahan yihiin maalgelinta QM, Midowga Yurub, Maraykanka iwm.

Cillada kale ee AMISOM waa inay ku milan yihiin la kala safashada dhinacyada, tusaale ahaan, dalalka Kenya iyo Itoobiya ayaa marar badan ku kaca falal ka baxsan howlgalka, balse AMISOM iyo AU waxba kama qabtaan.

Somalia ayaa halkan door ku leh maadaama waxa laga hadlayo uu yahay amaankeeda, lamana oga qorshaha iyo mowqifka ay DF Somalia arrintan ka taagan tahay iyo in lagu wargeliyey toona.

Waxaa si kastaba hubaal ah in ilaa haatan aanay jirin Somalia amaankeeda ku filan, iyadoo ay madaxda DF iyo Maamulladu muujinayaan bisayl la’aan xad dhaaf ah.

Hadalsame Media