Qannaaska AC Milan ee Rafael Leao oo fannaan isu rogey & album uu soo saaray

0

(Milano) 23 Jan 2021 – Qannaaska AC Milan ee Rafael Leao ayaa fannaan isu bedelaya isagoo durba diyaariyey albumkiisii 1-aad oo rab ah, kaasoo soo baxaya todobaadka soo aaddan 29-ka Jannaayo, sida uu sheegay soo saarihiisa iyo saaxiibkii Adjane Rafael.

Sida lagu qoray La Gazzetta dello Sport, waxaa magaca albumkiisa oo la yiraahdo  “Beginning” oo iskugu jira heeso rap, trap iyo drill ah, kuwaasoo ah noocyada uu ka helo xiddiga soo baxaya ee reer Portuguese.

Leao, ayaa aalaaba waraysiyadiisa uga hadla heesaha isagoo dhowaan ku yiri Rolling Stone:

“Runtii waan ka helaa rabka oo aan u bayri doono marka aan ciyaaraha ka howlgabo, hadda waxaan u sameeyaa hiwaayad ahaan oo waxaan diiradda saarayaa ciyaaraha oo aan waqti u huray.” 

Si kastaba, Leao ayaa lagu tilmaamaa nin mustaqbal ku leh ciyaaraha balse aan is lurin ama aan wax dareen iyo rabitaan ah muujinin marka uu dheelayo, taasoo mararka qaar u ekaysiisa nin aan xiisaynin ciyaaraha.

”Muddo 5 sano gudohood ah waxaad ka dheeli doontaa Heerka 5-aad ee Spain” ayuu ku kaftamay Sadat Mavric oo Milan taageera oo ka fal-celinayey warkan ku saabsan rabka.

Hadalsame Media