Midowga Yurub oo Somalia ka bilaabay mashruuc ku kacaya malaayiin doollar (Ujeed siyaasadeed oo ku jira)

0

(Muqdisho) 23 Jan 2021 – Midowga Yurub ayaa Somalia ka bilaabay mashruuc lagu hormarinayo kalluumaysiga iyo xoolaha nool si loo ballaariyo dhaqaalaha dalka loona horumariyo nolosha beeralayda.

Danjiraha EU ee Somalia, Nicolas Berlanga Martínez, ayaa sheegay in EU ay mashruucan ku kharash garaynayso 14.7 milyan oo euro ($17.7 milyan oo doollar) si boorka looga jafo dhaqaalaha Somalia, loo abuuro fursado shaqo isla markaana loo taageero dadka liita.

Mashruucan oo la yiraahdo ”The Resilient Fisheries and Livestock Value Chain for Inclusive and Sustainable Growth” ayaa diiradda saaraya in beeralaydu ay galaangal u yeeshaan suuqyada, tayada wax soo saarkooda ku qotoma xoolaha iyo kalluunka iyo in la dhiso kaabayaasha dhankaa ka shaqeeya, taasoo abuuri doonta shaqooyin badan, isla markaana xoojinaysa iskaashiga & wadashaqaynta DF iyo maamullada.

Soomaalida ayaa aad ugu tiirsan xoolaha iyo beeraha, balse hababka wax soo saar ayaa ah kuwo duug ah oo aan sidaa u macaash badnayn aadna loogu dhibaatoodo, iyadoo loo baahan yahay adeegsiga farsamooyinka casriga ah.

Hadalsame Media