Ma ciidamo Soomaali ah ayaa ka dagaallamay Tigraay?! Jawaabta oo ku jirta tibxaha heshiiskii 3-geesoodka ahaa ee Casmara

0

(Hadalsame) 23 Jan 2021 – Waxaa la hadal hayaa arrin aad isu soo taraysa oo ku saabsan in askar Somalia leedahay la geeyey dalka Itoobiya iyagoo ka qayb galay kaddibna ay qaar badani uga dhinteen dagaalka Gobolka Tigraay.

DF Somalia iyo Itoobiya ayaa arrinkaa wada dafiray, waloow ay sii xoogaysanayso walaaca ehelada askarta oo wada sheegaya inaysan wax wacaal ah ka haynin dhallinyarada laga qaaday oo markii dambe la geeyey Eritrea.

Marka wax kastaba laga yimaado waxaa haatan shaki hor lihi ka yimid heshiis 6-dii Sebtembar 2018-kii lagu saxiixay magaalada Casmara oo uu qayb ka ahaa MW Somalia, Md Farmaajo, kaasoo aanay jirin cid xog badan ka haysa ujeedkiisa isla markaana aan la hor geeynin Baarlamanka Somalia.

Hoos ka akhri 4 qodob oo halkaa lagu saxiixay:

1. Seddaxda dal waxay dhisayaan iskaashi xooggan oo ka tarjumaya yoolalka dadkooda.

2. Seddaxda dal waxay dhisayaan xiriir dhow oo dhanka siyaasadda, dhaqaalaha, bulshada, dhaqanka iyo amaanka ah.

3. Seddaxda dal waxay ka wada shaqaynayaan iskaashi ku saabsan horumarinta amaanka iyo xasilloonida gobolka.

4.  Seddaxda dal waxay hirgelinayaan Guddi isku Dhaf ah oo ka wada shaqeeya xayndaabka hirgelinta Baaqan Wadajirka ah.

Marka aad qodobbadan eegto, gaar ahaan midka 2-aad, waxaa kuusoo baxaysa in ay heshiiska ka mid tahay in ciidamada dalalkan loo diri karo mid kasta oo ka mid ah 3-da dal, taasoo qayb ka ah ”iskaashiga dhow ee dhanka amaanka ah” oo ka mid ah tibxaha heshiiska.

Waxaa Diyaariyey: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media