”Iska soo celiya ciyaaryahanka!” – Muran Inter Milan & Real Madrid oo meel xun maraya

0

(Madrid) 23 Jan 2021 – Sida ku dhigan Corriere dello Sport, kooxda Real Madrid ayaa Inter Milan ka dalbatay inay bixiso damaanad ku saabsan bixinta lacagta ay kusoo qaadatay Achraf Hakimi haddii kale ay iska soo celiso xiddigga.

Hakimi ayaa bishii Sebtembar lacag dhan €40m oo loo bixinayo 4 qaybood oo min €10m ah ugu wareegey kooxda ka dhisan Milano.

Qaybta 1-aad ayay ahayd in la bixiyo bishii Diseembar, balse Inter ayaa la daahday iyadoo Real waydiisatey in looga dhigo 30-ka Maarso ee sanadkan.

Yeelkeede, waxaa soo baxaya walaac ku saabsan isku hallaynta hannaanka maaliyadeed ee Inter Milan oo uu haatan maamulkeedu raadinayo qaab qayb ahaan ama gebi ahaanba lagu iibin karo kooxda, taasoo ah meesha ay Real ka doonayso damaanad qoran.

Real ayaa ku doodaysa in dib u dhigista 1-aad aysan ka mid ahayn heshiiska, iyadoo doonaysa in heshiiska lagu daro clause dhigaya inay laacibka dib u ceshan karaan si meeshaba looga saaro qaanta lagu leeyahay Inter.

Arrintan ayaa waxaa soo dhoweeyey taageerayaasha Real Madrid oo gunuunuc ka keenay iibinta Hakimi oo ay ku tilmaameen mid lagu deg degey oo rakhiis ah kaddib amaahdii Borussia Dortmund sidaa darteed wuxuu anfacayaa kooxda Zinedine Zidane.

Laacibkan reer Marooko oo ka mid ah laacibiinta haatan ugu bandhigga wanaagsan Serie A, ayaa fasalkan Inter u dhaliyey 6 gool, halka uu dhigay 5 gool 24 kulan oo rasmi ah.

Hadalsame Media