Dimoqraadiga & Jamhuuriga oo min 50 ku leh Senete-ka Maraykanka misna waxaa aqlabiyadda leh Dimoqraadiga (Ogoow sababta)

0
NATO Secretary General Jens Stoltenberg entering the House of Representatives Chamber Floor

(Washington, DC) 23 Jan 2021 – Maraykanka ayaa leh aqal baarlamaan (Koongarays)oo kala ah Aqalka Wakiillada iyo Midka Sare ee Senete-ka, waana unug siyaasadeedka ugu xooggan dalkaasi marka laga yimaado garsoorka oo leh awoodda ugu dambaysaysa.

Haatan labada aqal midka Wakiillada waxaa aqlabiyadda si cad u haysta Dimoqraadiga, balse midka Senete-ka oo ka kooban 50 kursi oo si siman u metela 50-ka gobol ee Maraykanku waa 50-50, taasoo marka ay halkaa joogto ka dhigan in aan xisbina aqlabi ahayn.

Yeelkeede, far kale ayaa u taagan Xisbiga Dimoqraadiga ah, waayo markasta waxaa Senet-ka shir guddoomiya MW Xigeenka Maraykanka, sidaa darteed, maadaama ay Kamala Harris kasoo jeeddo Xisbigaasi, iyada ayaa xakamaha Senete-ka u ridaysa dhanka Dimoqraadiga.

Taasina waa sababta ay Jamhuurigu ugu guuldarraysteen inay baajiyaan ama ugu yaraan dib u dhigaan gole joojinta MW hore ee Trump, iyadoo Guddoonka Aqlabiyadda Dimoqraadiga ee Chuck Schumer uu kulan la qaatay ninkii awal xilkaa hayey ee Mitch McConnell oo haatan noqday Madaxa Xubnaha laga tirada badan yahay oo ka wada arrinsanayey awood qaybsiga Senete-ka, balse isku mari waayey.

Hadalsame Media