7 caado oo ay fiican tahay inay Soomaalidu iska daayaan marka ay wayso qaadanayaan

0

(Hadalsame) 22 Jan 2021 – Markaan masaajidka tagtid ee aad weesaqaadanaysid, fadlan ka xasuusnow xaqdhawrka dadka dhinacaaga ku weesaysanaya iyo nadaafadda goobta weesada oo ha samayn:

1. Intaad iskala jiidid xaako nuskiilo le’eg ha ku tufin goobta weesada.

2. Si xoog ah diif ha isaga siifin, haddii ay qasab kugu noqoto in aad diifsatid si tartiib ah iskaga siifi adiga oo tiish ama fisaleeti isticmaalaya. Intaad iskala jiidid oo BUUUUF tiraahdid dadka dhinacaaga ku weesaqaadanaya ha ku firdhin diifkaaga.

3. Gacmaha aad diifka isaga siifisay (siimisay) ha ku taaban tubbada biyaha ilaa aad gacmaha ka dhaqdid.

4. Markaad luqluqanaysid fartaada afka ha galin, haddaad galisidna ha ku taaban tubbada ilaa faraha ka dhaqaysid.

5. Markaad luqluqa tufaysid si tartiib ah u tuf. Luqluqaaga firdhaadkiisa ha gaarsiin dadka kale.

6. Tubbada weesada xoog ha furin oo biyaha ha qasaarin, dadka dhinacaaga ku weesaysanayana ha qoyn.

7. Guud ahaan tartiibi filfiliqa biyaha aad ku weeysa qaadanayso adiga oo tixgelinaya qofka ku ag fadhiya.

Waxaa Qoray: Cali M Diini

Hadalsame Media