YAA DILEY? Maxay ka siman yihiin KIISASKA dadka sawirkan ka muuqda?

0

(Muqdisho) 21 Jan 2021 – Waxaa marar aad u badan dhaca shilal ay dad ku dhintaan kuwaasoo ay ku lug yeeshaan isla ciidamadii sugi lahaa amaanka dadka iyo dalka oo si fara fudayd iyo fikir la’aani ka dambayso mararka qaar wax u dila.

Marar kalena waxaaba la tuhmaa inuu dilku yahay mid agaasiman oo kas ah, ha yeeshee, waxaa jirta hal caqabad oo markasta soo noqnoqota.

Marka uu dhoco dil la mid ah midkii xalay lagu toogtey Guddoonkii Hodan ama uu qarax ka dhoco meel amaankeedu aad u adkaa oo aanu qofka caadiga ihiba geli karin, taasoo iyaduna keenta tuhun gala ciidamadii sugayey amaanka, waxaa markiiba DF kasoo baxa baaqyo ku saabsan dad la xirey iyo guddi la saaray.

Yeelkeede, maalmo kaddib dadkii la xirey waa la fasaxaa sidoo kalena guddigii la saaray war dambe lagama maqlo, waloow aan la fahmi karin waxaba guddi loogu baahanayo maadaama ay ku filan tahay dembi baaris iyaduba dabagal samaysa kaddibna caddaymo keenta si dhanka garsoorka loola tiigsado ciddii wax lagu tuhmo ama lagu caddeeyn karo.

Dadka aad sawirka uga jeeddo kulligood waxay ka siman yihiin inaad cidda dishey si cad meel loo saarin ciddii disheyna aan loo ciqaabin, waana ceeb foolka uga taalla ciddii mas’uul u qaadday dalka.

NABAD SUGID AMAANKII KU FASHILAN OO SIYAASAD KA HADLAYSA

Dhibaatada sanadihii dambe soo korortay, weliba haddii si cad loosii sheego timid intii uu xilka hayey MW Farmaajo waa in hay’addii Nabad Sugiddu (NISA) ay howsheedii ka weecatay oo ay noqotay sidii xisbi siyaasi ah, iyadoo inta badan la maqlo Madaxa Nabad Sugidda oo ku jira shirar siyaasadeed ama dejinaya qorshe siyaasadeed.

Taasi marka laga soo tago inay dayacayso shaqadii amaanka oo ah arrin xasaasi ah oo loo baahan yahay in tamar iyo waqti badan lagu bixiyo, waxay dhanka kale abuuraysaa dano iska hor jeeda (conflict of interest), waayo marka uu amaanku siyaasadda ku dheehmo waxaa dhalan karta amaan darri mararka qaar ku tala gal noqon karta (systematic), waana arrin aad halis u ah.

SOO JEEDIN – Waxaa muhim ah in inta ay goori goor tahay in la garowsado khaladaadka waawayn ee lagu kacayo ee kaddib loo guntado sidii wax lagaga qaban lahaa, si weliba ay daacadnimo ku dheehan tahay, taasoo aan haatan ka muuqan qaabka amaanka loo wajahayo.

Hadalsame Media