Dalka Britain oo ka hadlay doorashada Somalia & talo uu soo jeediyey

0

(New York) 21 Jan 2021 – Danjiraha Britain u fadhiya QM, Barbara Woodward, ayaa ku baaqday in lagu dhaqsado qabashada doorashada madaxtinnimada Somalia oo u muuqata mid uu xaalkeedu cakiran yahay.

Marwo Barbara oo magaalada New York ay isku arkeen Wasiir Dibeedka DF Somalia,  Md Maxamed Cabdirisaaq ayaa sheegtay inuu waqtigu gabaabsi yahay oo loo baahan yahay in horay loo galo arrimaha doorashada, sida ay kusoo qortay Twitter.

Waxay dhinacdayada DF iyo maamullada ugu baaqday inay is afgarad iyo tanaasulaad ka gaaraan waxyaabaha ay isku maandhaafsan yihiin.

Warkan ayaa imanaya xilli rajo laga muujinayo inuu dhoco kulan lagu xalliyo khilaaf ka dhashay doorashada oo ay ugu waawayn yihiin guddiga doorashada ee ay soo magacowday Madaxtooyada Villa Somalia.

Hadalsame Media