QAYBI OO XUKUN: Federaalka qabyaaladeysan ee Somalia (Qaybtii 5-aad)

0

(Hadalsame) 20 Jan 2021 – Nidaamka ‘federalka’ qabyaladeysan oo intaasoo dhan kulansaday ayaa haddana laga kari la’yahay madaxya-weynta Soomaalida in ay ka waantoobaan ama ay xataa darsaan waxa uu yahay hannaakaan aan dantu noogu jirin; waa hannaan si toos ah iyo si dadbanba uga hor-imanaya dastuurka ku meel gaarka ah sida ku cad, tusaale ahaan, qodobka 1aad, faqradiisa 3aad. Sidoo kale, bal fiiri qaabka ay u qoran yihiin waraaqaha rasmiga ah ee ka so baxa xafiisyada dowladda iyo waxa noogu qoran baasaborka Soomaaliga ah. Halkan ka akhri qaybtii hore…

Xukuumad dhex-furan oo adeege ah: Xalka siyaasadeed ee Soomaaliya

Qaadashada nidaam kasta ee dowladeed waxa laga eegaa baahida ay dalka iyo dadku u qabaan nidaamkaas iyo weliba faa’iidada iyo caqabadaha ku gedaaman qaadashada nidaamka cusub. Waxyaabaha kale ee tixgelinta u baahan waa halka uu adduunka marayo, xaaladda gobolka, iyo weliba la-tashiyo lala sameeyo bulshada dalkaas si loo helo gadidda iyo meel-marinta hannaanka cusub.

Taariikhda Somaaliya waxay si muuqata iyo si dahsoonba u qoreysaa in uu culays daran ka soo yeeray hannaanka dowlad dhexe, oo dadka merjisa, sidaas darteedna loo baahan yahay hannaan dowlad dhex-furan, oo adeege ah. Hannaankaan wuxuu u baahan yahay in dadka Soomaalidu ay ku baraarugaan waayo wuxuu noo bixinayaa nabaddii iyo dowladnimadii aan baadigoobka ugu jirney tan iyo dowlad-dhiskii noo soo bilowday, Ilaahay mahaddiiye, xilligii Carta. Waa in la qabtaa shir-weyne qaran oo wada-tashi ah loogana wada hadlaa masiirka dalka, ubuc looga dhigaa qur;aan akhris, duco, is-cafin iyo towbad Rabbi SWT loogu noqdo wixii dhacayna sidaas looga gudbo baal cusubna loogu furo taariikhda iyo nolosha siyaasadeed ee Soomaaliya.

Qaabka iyo sida uu noqon karo hannaanka dowlad dhex furan oo adeegta, waa in la helaa xukuumad dhex-furan min heer qaran (dowlad dhexe oo idman), heer gobol (maamul-goboleed leh xaakim iyo ku xigeen iyo barasaabyo madax u ah gobollada), ilaa heer degmo (guddoomiyeyaal degmo oo adeegayaal ah). Sidoo kale golayaal degmo oo kaalintoodu tahay horumarin ayaa kaga filan siyaasadeynta hannaanka dowladeed ee dhexda furan adeegana ah. Qof kasta oo Soomaali ahi waxa uu degi karaa meshuu doono oo Jamhuuriyadda ka mid ah; adeegyada asaasiga ah ee bulshadana waxa laga geynayaa oo laga heli karaa meel kasta ilaa heer tuulo iyadoo ay xukuumadduna hayso diiwaanka guud ee wax kasta oo ku saabsan u adeegidda qofka Soomaaliga ah. Hannaanka ‘federaalka’ qabyaaladeysan ee faddarada ah  ee naloo keenay waxa keliya ee beddeli kara isku-tashi iyo Alle tala-saarashada dadka Soomaaliyeed ka sokow in loo boxo hannaan dowlad dhexe furan, oo adeege ah, adeegyadana gaarsiiya ilaa heer tuulo; kaasoo loo qur’aan akhriyey si walaaltinnimo ah oo Soomaalinimo ahna looga gorgortamay oo weliba la isugu turay.

Nidaamkan waxa isticmaalay oo uu si fiican ugu shaqeeyey dalal badan; waana hannaka ugu fiican Soomaaliyada manta oo ay Ilaahayna SWT ugu noqon kartaa, iyaduna dib ugu walaaloobi kartaa.

Dhamaad…

Waxaa Qoray: Mohamed Ismail Abdullahi (Mohamed Midnimo)

E-mail: Midnimo1985@gmail.com

AFEEF: Qoraal kasta wuxuu ka tarjumayaa aragtida qoraha ku saxiixan

Hadalsame Media