Ujeedka ka dambeeya eedaha ku saabsan ciidanka la yiri “waxay ku dhinteen” dagaalka Tigraay

0

(Hadalsame) 19 Jan 2021 – Waxaa hubaal ah in cadowga umada Soomaaliyeed uu geed dheer iyo mid gaaban u korey walina heegan ugu jiro in marna aysan dib u hana qaadin ciidanka xooga dalkeena, had iyo jeer dacaayad beyn abuur ahna ka fidiyo, ujeedka ugu weyn ee laga leeyahay waa in laga hor tagaa dib u aas aaska ciidan ka qaran keena.

Dacaayada baryahaan laga fidinayo ciidanka xooga dalka waa mid ay soo abaabuleyn kuwa rabo in marna aysan dib u dhismin ciidan keena, hadaba adiga ha noqon qof loo adeegsado duminta tiirarka aas aasiga ah ee qaran kaaga, qofka diidan MW Farmaajo xaq ayuu u leeyahay in uu daliilo, mucaarado siyaasadiisa laakin maahan sharafka iyo jiritaanka qaranka waxii dhaawacayo in uu u adeegsado gaarista hankiisa siyaasadeed.

Qofka diidan MW Farmaajo waxaan xasuusinayaa gabaygii Allaha u naxaristo Abdwaan Kaariye “Hadaad gorod diidan tahay ku koob dirir taada gorod” qofkii Farmaajo diidan fadlan ku koob dirir taada Farmaajo.

Qaran aan ciidan laheyn Qaran ma noqdo, dhismahiisana aan isku wada kaashanno.

Waxaa Qoray: Cabdullaahi Shaashaale

FG: Qoraal kasta wuxuu ka tarjumayaa aragtida qoraha ku saxiixan

Hadalsame Media