Taliyaha Ciidanka Africom oo Muqdisho tegey & kulan uu la qaatay madaxda ugu sarreeysa millateriga dalka + Ujeedka

0

(Muqdisho) 19 Jan 2021 – Taliyaha Ciidanka Lugta Maraykanka, Jen. Stephen Townsend, oo sidoo kale ah Taliyaha AFRIKOM, ayaa Somalia ku tegey booqasho rasmi ah isagoo sidoo kale booqday markabka sida gaadiidka berri-biyoodka ah ee USS Makin Island (LHD 8), oo xeebaha Somalia ka galaa baxayey 16-18 Jannaayo.

Townsend ayaa Somalia kula kulmay Danjiraha Maraykanka ee Somalia, Don Yamamoto iyo madax iyo taliyeyaal ciidan oo muhim ah oo ka tirsan Xoogga Dalka, kuwaasoo uu ku jiro Wasiirka Gaashaandhigga, Hassan Hussein Haji, iyo Abaanduulka Ciidanka Jeneraal Odawaa Yuusuf Raage, kuwaasoo uu kala hadlay sii wadista iskaashiga amaan ee ka dhexeeya Somalia iyo Markaykanka, gaar ahaan la dagaallanka Al Shabaab.

Booqashadan ayaa imanaysa qiyaastii bil kaddib markii uu Maraykanku uu Bariga Afrika ka sameeyey xarun iskaashi amaan, iyadoo Africom ay tahay midda ka mas’uulka ah ciidankii Maraykanka ahaa ee ka baxay Somalia.

“Al-Shabaab waa cadow naxariis laawe ah oo halis ku ah Somalia, Afrika iyo Maraykanka, waana sii wadaynaa howlgallada ka dhanka ah maadaama uu amaanku ku xiran yahay.” ayuu yiri Townsend oo sidoo kale la kulmay Taliyaha AMISOM Gen. Diomede Ndegeya oo u dhashay Burundi, isagoo ballan qaaday inuu sii wadayo taageerada Ciidanka Nabad Ilaalinta Afrika ee jooga Somalia.

Faahfaahin dheeraad ah lagama bixin wixii lagala hadlay saraakiisha Xoogga Dalka, yeelkeede, Hadalsame Media ayaa fahamsan inuu Ciidanka Maraykanku sii wadayo tababarka ciidanka Komaandooska ah ee Danab, isla markaana ayba dhici karto inuu soo laabto marka uu xilka la wareego Joe Biden oo tillaabada uu Donald Trump uga saaray Somalia u arka mid aan xambaarsanayn nuxur istaraatiji ah.

Hadalsame Media