Ruushka oo diyaarinaya ciidan shiishyahanno ah oo ku dagaallami kara qaboow gaarsiisan -35 digrii + Sawirro

0

(Moscow) 19 Jan 2021 – Ruushanka ayaa diiradda saartay cirif-barafeedka qaboow ee dunida, isagoo diyaarinaya qannaasyo ku dagaallami kara halkaasi iyaga oo isu ekaysiinaya barafka cad.

Ciidankan oo loo diyaarinayo qaab waafaqsan xeesha ku dhufoo ka dhaqaaq ayaa ku tababarana gobolka bariga fog ee Transbaikal, kaasoo 5,000km bariga uga beegan Moscow.

Ciidanka ayaa ku shiis barta bartilmaameedyo miisaal ah oo ka fog ilaa 1,000 mitir, xilli uu heerkulku ka hooseeyo -35 degrees Celsius (-31 Fahrenheit) kaasoo aanay waxba iska bedelin habeen iyo maalinba.

Tillaabadan ayaa qayb ka ah qorshaha Ruushku uu ciidankiisa ugu diyaarinayo qaaradda Arctic-ga oo sanadihii dambe muhiimad gaar ah yeelatay, isagoo bishii Diseembat xarun daraasadeed ka furay meel u dhow Moscow si loogu tijaabiyo hub cusub oo u gigsan kara qaboow ba’an oo gaaraya ilaa -60 degrees Celsius (-76 Fahrenheit).

Maadaadama uu milmayo barafka badda Arctic-gu, waxaa haatan furmaya hilin badeedyo cusub, iyadoo uu Ruushku doonayo inuu halkaa marsiiyo badeeco dhan 80 milyan oo tan marka la gaaro 2024-ka.

Hadalsame Media