Kenya oo sawirro dayax-gacmeedka uga qaadday ciidanka jooga Beled Xaawo + Ujeedka

0
Somalia National Army soldiers at Bulahawa town on May 11, 2016. They recovered weapons of massive destruction from Alshabaab insurgents destined for Mandera and Bulahawa. PHOTO/MANASE OTSIALO.

(Nairobi) 19 Jan 2021 – Jabuuti oo u qalab qaadatay xallinta muranka diblomaasiyadeed ee Somalia iyo Kenya ayaa soo afjartay guddi xaqiiqo raadin ah oo ay u direen labada dal.

Guddigan oo uu soo diray MW Jabuuti Ismaaciil Geelle, ayaa ka kooban koox diblomaasiyiin ah iyo taliyeyaal ciidan waxayna booqashooyin ku kala bixiyeen Muqdisho iyo Nairobi iyo sidoo kale xadka haatan kala qaybiya labada dal.

Waxaa wefdigan oo ay hoggaaminayeen Aden Hassan Aden iyo Yacin Elmi Bouh ay tageen Muqdisho, Nairobi iyo xadka Mandheera iyo Buula Xaawo, si ay ugu kuurgalaan waxa la isku hayo.

Waxay Kenya kula kulmeen Wasiir Dibadeedka (Raychelle Omamo) iyo Gaashaandhigga (Monica Juma) iyo sidoo kale Abaanduulka Ciidanka KDF ee Kenya Jen. Robert Kibochi.

Kenya ayaa wefdiga u sheegtay inaysan wax faragelin ah ku haynin arrimaha Somalia, iyagoo sidoo kale tusay muuqaal dhanka dayax-gacmeedka lagu qaaday oo muujinaya dhaqdhaqaaqa Ciidanka Somalia ee jooga ”xadka” dhanka Mandheera iyo Buula Xaawo, kuwaasoo ay sheegeen inay 20 mitir uun u jiraan iyaga, taasoo ay ku sheegeen halis ay wajahayaan.

Kenya ayaa sidoo kale keentay qiil ay ku beer dulucsanayso wefdiga iyadoo sheegtay in qalalaasaha halkaa ka taagani uu galaaftay isu socodkii dadka labada dhinac, gaar ahaan 1,200 oo arday oo Somalia ku nool balse waxbarasho u doonta Mandheera, Wajeer iyo Gaarisa.

Macharia Munene, oo ah bare sare (professor) oo Taariikhda iyo Xiriirka Caalamiga ah ka dhiga USIU-Africa ayaa The EastAfrican u sheegay inuu rajaynayo in waloow uu geeddi socodku waqti qaadanayo misna tillaabadani ay keeni doonto in xaaladda la dejiyo oo lasoo celiyo xiriirka labada dal.

Somalia waxa ay wefdiga u sheegtay weli lama soo bandhigin.

Hadalsame Media