9 dal oo Afrikaan ah oo ay Somalia ku jirto oo fagaare caalami ah tusaale xun ka noqday

0

(New York) 19 Jan 2021 – Xoghayaha Guud ee QM ee Antonio Guterres ayaa shaaca ka qaaday in 9 dal oo Afrikaan ah iyo Iiraan ay lumiyeen xuquuqihii codayneed kaddib markii ay bixin waayeen qaaraanka xubbinimada, sida uu qabo xeerka ururku.

Xogahayaha oo warqad u diray MW Golaha Guud, Volkan Bozkir, ayaa caddeeyey lacagta lagu leeyahay dalalkaasi, waxaana tan ugu badani ku baaqatay Iiraan oo lagu leeyahay $16,251,298, waxaana soo raacda Somalia, oo bixin waydey $1,443,640.

Inta kale waa Comoros $871,632, Sao Tome and Principe $829,888, Libya $705,391, Congo $90,844, Zimbabwe $81,770, Central African Republic $29,395, South Sudan $22,804, iyo Niger $6,733. Waxaa cajiib ah in Niger ay ku cod la’dahay wax ka yar 7 kun oo doollar, taasoo muujinaysa sida ay Afrika ula hareen dadka ma gudbayaasha ah ee madaxda ka ah oo ay dhici karto inay lacag intaa la’eg ay barafuun ku iibsadaan.

Dalalka Comoros, Sao Tome and Principe iyo Somalia ayaa loo ogolaaday inay sii haystaan xuquuqdooda codayneed, waloow ay laftooda ceeb ku tahay inay caalamka u sheegaan inaysan bixin karin wax aan milyan doollar sidaa uga badnayn sida Somalia oo ah dal xor ahaa 61 sanadood welibana ay madaxdu haatan sheegaan inay ”qabkii qarannimo soo celiyeen” iyo wax kaba yar sida labada dal ee kale oo ah jasiirado yar yar.

Miisaaniyadda QM ee sanadlaha ihi waa 3.2 tarilyan oo doollar, iyadoo ay nabad ilaalinta sanadkii ku baxdo 6.5 bilyan oo doollar.

Hadalsame Media