”Bal nacaskan aan dhalay eega!” – Sheeko maad & murugo xambaarsan

0
Like Father, Like Son. A motivational and inspirational poster representing the proverb sayings, Like Father, Like Son with simple human pictogram.

(Hadalsame) 18 Jan 2021 – Waa Islii. Aroor hore ayay hurdada iga dhammatay, waa 7:30-kii, jawiga waa qabow, tamar badan ayaan hayay. Waxaan ku fikiray inaan kubbad cayaaro, laakiin iima ballansaneyn, meelna kuma ogeyn. Waxaan wacay nin aan asxaab ahayn, si aan isula quraacanno, islana qaxweysanno, telka ayuu iga qaban waayay. Si kastaba waan iska soo baxay, wuxuuse isoo wacay intaan gaarin halkii aan rabay inaan kula ballamo.

Quraac, kaftan, sheeko iyo is-xogwareysi kaddib waan soo kala tagnay, dano kale oo aan lahaa ayaan iska raacday. Markii aan soo dhammeystay, waxaan usoo degdegayay inaan salaadda ku tukado masjid ii dhowaa, kaddibna jiif doonto. Waa abbaare 12-kii iyo xoogaa. Telkeyga ayaa soo dhacay, waa hooyo. Dhiillo ma qabin, wicitaankeedana wuxuu i farxad galiyay intaan u jawaabin.

“Hooyo! aabbe Allaha u naxariisto. Waa la wada dhimmanaa, is-adkey.” Waa inta aan ka xusuusto hadalladeeda. Dhulka ayaa ila wareegay, gudaheyga waxaa ka holcayay dhimbilo, waxaanse isku dayayay inaan isceliyo. Hadal badan hooyo ma weydiinin, intii ay ii sheegtayna waxay ahayd in culeyskeeda aan xamili kari waayay. Waan rumeysan waayay, wajigiisa ayaa ii muuqanayay, kaftankiisii ayaan xusuusanayay.

Mar kale hooyo ayaa isoo wacday, si bal ay xaaladdeyda u ogaato, markii aan qabtay, ayaan codkeeda go’go iyo ooyin ka dareemay, waxaan xakameyn waayay dareenka, intii ay ila hadleysay waxaan isku dayay inaan hooyo dhowro, markii ay i mac salaameysay waan ooyay, si xad-dhaaf ah. Waxa ugu daran ee i gubayay waxay ahayd in aabahey uu geeriyooday anigoo ka fog. Xusuusteyda marnaba maalintaas kama go’do.

Intii uu noolaa maalin buu geed hoostiis anoo dhallinyaro la fadhiyo soo maray. Wuxuu la kafyamayay gabar Jalaato xaafaddeena ku iibineysay. Anoo xushmad u muujinaya ayaan istaagay oo aan ku iri “Aabbe see tahay”? Subaxaas isagoo maqan ayaan soo toosay, araggiisana 13 saacadood baan qiyaastii moogganaa. Intii uu isoo eegay buu igu yiri: “Nacaskaan aan dhalay eega! Aabbo gabar asaaggaa ah ayaan la sheekeysanayaa, adna Aabbo ayaad na leedahay.

Intii meesha joogtay oo afka kala heysa ayuu naga dhaqaaqay. Aabbe wuxuu ahaa kaftanlow, reer magaal, xalaal cune iyo cibaado badane. Maanta oo kale sanadkii 2009-kii ayuu geeriyooday. Allaha u naxariisto. Fardowsana haka waraabiyo. Amiin.

Waxaa Qoray: Tahliil Colaad Xasan

Hadalsame Media