Azerbaijan oo mashaariic horumarineed ka bilowday gobolkii ay xoraysatay (Garoomo, jidad & buundooyin…)

0

(Baku) 18 Jan 2021 – MW Azerbaijan ayaa asaaska u dhigay dhismaha garoon diyaaradeed oo casri ah iyo jidwayne (highway) laga dhisay degmada Fuzuli, oo ah magaalo dhowaan laga xorreeyey ciidanka Armenia oo haystey 30 sanadood.

MW Ilham Aliyev ayaa dhagax dhigay jidkan oo isku xiraya Fuzuli-Shusha-Ahmadbayli, kaasoo ay qayb ka yihiin buundooyin iyo dusmooyin maraya 27 km (17 mayl), halka uu garoonku yeelan doono dhabbe dheer oo taxan bed dhan 2.8-km (1.7-mayl), kaasoo loo qalabayn doono si waafaqsan heerka caalamiga ah.

“Waa mashruuc muhim ah oo lagu horumarinayo dhulalka la xoreeyey. Garoonka Fuzuli International Airport waxaa xarigga laga jaraya ugu dambayn sanadka soo aaddan ee 2022-ka.” ayuu yiri MW Aliyev.

Wuxuu sheegay in ujeedka dhismaha garoonkani yahay in la sahlo inay dad dalxiis ah oo doonaya inay Shusha oo garoonkan u dhow ay magaaladan kasoo degaan.

Hadalsame Media