”Kuma qaabilayno!” – Midowga Yurub oo bahdiley Wasiir Dibadeedka Maraykanka ee Mike Pompeo (Maxaa dhacay?)

0

(Brussels) 16 Jan 2021 – Maraykanka ayaa beryihii dambe ku jirey xasarad siyaasadeed tan iyo markii ay qas wadayaal taageersan MW Trump ay ku qamaameen Aqalka Koongarayska, taaoso keentay in Donald Trump uu noqdo madaxwaynihii 1-aad ee Maraykan ah ee 2 jeer la gole joojiyo.

Yeelkeede, hab-dhaqanka sirgaxan ee Trump kama caraysiin dadka Maraykanka ah oo qura, balse Yurub ayaa sidoo kale ka falcelisey.

Wasiir Dibadeedka Luxembourg ee Jean Asselborn ayaa Trump ku tilmaamay “dembiile” ay tahay in “maxkamad lasoo taago”.

Kaddib markii uu garowsaday sida ay Yurub ugu yaqyaqsoonayso, Wasiir Dibadeedka Maraykanka ee Mike Pompeo ayaa daqiiqaddii ugu dambeeysey kansalay booqasho uu ku tegi lahaa Belgium iyo Luxembourg kaddib markii ay madaxda EU iyo kuwa Luxemnourg ay diideen inay la kulmaan.

Pompeo oo ka mid ah ragga ugu dhow dhow Trump, ayaa u muuqda mid dareensan in dulqaadkii loo hayey maamulkiisu uu gabaabsi yahay markan.

Hadalsame Media

Facebook Comments