Ilmo badan oo Soomaaliyeed oo dad ehel ah ula nool qaab ”addoonsi” oo kale ah & doorka waalidku ku yeelan karaan

0

(Hadalsame) 17 Jan 2021 – Gabadhii (inantii) yarayd ee sida fooshaxun ay ugu xadgudubtay islaantii ay jaariyadda u ahayd magaalada Hargeysa waxa ay i soo xasuusisay dukaanka dharka lagu iibiyo oo Dubaay ku yaalladay maalin aan galay islaanta dukaanka islaanta iska leh waxa u shaqaysa gabar yar oo qiyaastii 17 jir ah oo sida aan filayo ay eeddo u ahayd.

Labaatan daqiiqo oo aan la joogay runtii matag baa igu qabtay bahalnimada iyo arxandarrada islaantaas jalbaabka waynayd. Labaatan daqiiqo oo aan la joogay qaylo iyo haruuf iyo habaar ayay ku wadday gabadhaas yar oo sida addoontii ugu shaqaysa.

Sida mar dambe dad yaqaannay ii sheegeen gabadha waxaa dhalay walaalkeed miyiga deggan ayada oo yar ayayna ka soo wadatay si ay u addoonsato, malaha waalidka gabadha dhalayna ma oga ciqaabta gabdhoodu ku sugan tahay ama $50 ayay islaaantu u dirtaa oo intaas baa gabdha kala wayn.

Gabdhaha noocaas dhulalka Soomaalida loo addoonsato kumannaan ama boqollaal kuk ayau gaarayaan. Intooda badan gabdhahaasi ayaga oo yar ayay nin guursadaan si ay uga baxsadaan nolosha addoonsiga ah ee ay ku jiraan, balse intooda badani waxa ay galaan nolol aan tii hore waxba dhaamin oo niman silciya oo garaacid iyo handadaad isugu dara ayaa guursada.

Aakhirka gabdhahaas ayaga oo nolosha adduunyo ku silcay xanuunada maskadaxdana qaba oo aan habeen farxad ku seexan ayay dunida ka tagaan oo dhintaan.

Waayihii waxbarashada galbeedku Soomaalida soo gaartay markii hore gabigeeda waa la diiday ayada oo sabab looga dhigay in ay ilmuhu gaaloobayaan hadday waxbartaan. Markii dambe ee wiilashada ayaa oggolaaday iskoollada vakse gabdhaha laga reebay ayaa nin 9day ahi 5 gabdhood oo uu dhalay iskool geeyay markaas baa rag saaxiibbadiis ahi ku yiraahdeen “war hebalow miyaad waalatay maxaad gabdhaha iskoolka isaga gaysay miyaadan ka cabsanayn in suuqa kaa galaan gabdhuhu?” Waxa uu ku yiri “intii gabdhahaygu noqon lahaan jaariyado iyo jaahiliin u dhaxa xilagubayaal dhillooyin waxbartay oo shaqaysa ha noqdaan”.

Waalidow gabdhihiinna ha u oggolaanina in ay jaariyado u noqdaan reero kale. Soomaali jaariyad u noqo waa adduunka waa cadaabtii oo adduunka kuugu timid. Ma nihin dad habayaraatee in yar oo arxan bini’aadannimo ay ku jirto.Hadalsame Media