Xukuumaddii Holland oo ”ceeb” darteed u burburtay & sida ay wax u dheceen

0

(Hague) 16 Jan 2021 – Dowladda Holland ayaa burburtay 2 bilood kahor doorashada guud ee dalkaasi kaddib markii ay soo daahirtay fadeexad soo taxnayd tan iyo 2013-kii.

Xukuumadda isbahaysiga ah ee RW Mark Rutte ayaa shalay ku dhawaaqday in ay xilka banaynayso taasoo ay uga jawaabayso fadeexad ku saabsan lacagaha carruurta la siiyo.

MAXAA DHACAY? Waxaa soo baxday in Wakaaladda Canshuurka dalkaasi ay si khaldan u eedaysay qoysas u badan ajnabi oo lagu qabsaday inay qaab musuq ah ku heleen lacagta la siiyey carruurtooda, sidaa darteed ay dib u soo shubaan lacagahaasi.

Khudbo laga sii daayey warbaahinta dalkaasi, wuxuu Rutte ku sheegay in uu go’aanka ku wargeliyey Boqor Willem-Alexander isagoo ballan qaaday in lasii wadi doono in dhaqse magdhow loo siiyo qoysaskii uu saameeyey go’aanka Wakaaladda Canshuurtu.

“Waxaannu nahay hal maan, sidaa darteed haddii uu hannaanku wax khaldo waa in aannu mas’uuliyadda wada qaadannaa, waana taa sababta aan u kala dirayo gebi ahaanba Golihii Wasiirrada Holland.” ayuu yiri RW Rutte.

Hadalsame Media