”Somalia-da cusubi halis bay nagu tahay” – Warbixin ay diyaariyeen TPLF oo ay ku qoran yihiin 6 siyaasi oo Soomaali ah: 3 ay la jiraan & 3 ay ka jiraan oo la helay

0

(Hadalsame) 16 Jan 2021 – XASUUS: XOGTII APRIL 2019 & NUQULKII YARAA & QADARTA EEBE!

Maalin kamid ahayd bishii June 2019-kii, goor galab ah ayaa nin an saaxiib-nahay isoo diray qoraal aad u yar oo laga soo jaray dabcan warbixin dheer oo uu soo saaray, sidaan gadaal ka ogaaday Mac’had qaabilsanaa Daraasaadka Siyaasadda & Cilmi Baarista, oo uu lahaa Ismaamulka Tigree-ga ee TPLF, diyaarin jiray uun siyaasadooda ku wajahan Geeska oo dhan.

Warbixintaas, qeybta yar ah waxay oranaysay “Soomaaliya-da cusub, waxay caqabad dheer ku noqonaysaa siyaasaddeena Qowmiyeysan ee Tigrey, haddii aan la helin/dibna loo abaabulin saaxiibadeena gobalka, intaas yar waxaa ku jirtay 6 siyaasi oo Soomaali ah magacyadod, 3 xukunka qabashadiisa ay tahay in loo sahlo /lacawiyo iyo 3 ay tahay in lala dagaalamo/laga ilaalinayo”, Labadaas kooxoodba maanta waa joogaan, raggii xukunka laga ilaalinayay qaarkoodna waa xoogan yihiin oo waa musharaxiin.

Hadda Daraasadaas iyo raggii ka shaqeeyey-ba xiligii ay qorsheeyeen, iyadoon la gaarin ayay duurka galeen, qaarkood waa la dilay dabcan, qaarna lacagna mahayaan, awoodna ma hayaan, Yoolkaygu waa in Tigree-gu sii qorsheynayeen 2021-ka waxay ka sameyn lahaayeen doorashada Soomaaliya.

FG: Qoraagu sooma gudbin magacyada 6-da siyaasi ee warbixinta ku xusnaa

Waxaa Qoray: Faarax Cabdulqaadir Maxamed

Hadalsame Media