Qish laga qalin daartay taliskii caskariga ahaa oo ay caadaysteen nidaamyadii dhashay burburkii kaddib + Sawirro

0

(Muqdisho) 16 Jan 2021 – Waagii kacaanka ayaa ardayda loo sheegi jirey inay galabta isugu yimaadaan Taallada Daljirka ama Beerta Xorriyadda ee ka hoosaysa Sayidka. Waxaa kaloo halkaas iman jirey shaqaalaha dawladda iyo dad kaloo shacab ah.

Dhawr madax ah ayaa makarafoonka isu beddeli jirey. Ardaydu waqtigaas inay gacanta qorraxda isaga dhigaan iyo inay iyagu sheekaystaan ayey ku dhammaysan jireen. Meesha waxay u yimaadeen, oo keliya, in maamulkii iskuulku ku yiri imaada.

Habeenkii ayaa idaacaddu sheegi jirtey inuu maanta dhacay bannaanbax ay ardayda iyo shaqaaluhu ku taageerayeen xeerka 156 ee Xisbiga Hantiwadaagga qaybtiisa ‘J’.

Maamullada hadda ka jira waddanka farsamadaas waxay ku sii dareen ilaa heer Hollywood laga iibin karo. Wasiir amni ayaa dhawr dukaan oo isku dariiq ku yaal u sii sheegaya inay caawa ilaa 12ka furnaadaan.

Saddex horimood oo ciidan ah ayuu dariiqa si qarsoon ugu hareereeyaa. Isaga iyo koox shaqaalaha xafiiskiisa ah oo macawiso xiran ayaa habeenbarkii iyagoo adeeganaya la hadlaya warbaahinta: “Shan bilood ka hor ayaa la i magacaabay, haddana waad arkaysaan meesha amnigu gaaray ilaa wasiir uu keligiis habeenbar adeeganayo!”

FG: Shaxdani ma aha mid u gaar ah RW Rooble, balse waxaa sameeyey ku dhowaad nin kasta oo madax ah oo isaga ka horreeye.

Waxaa Qoray: Cabdulqaadir Diiriye

Hadalsame Media