”Waa hubka dunida ugu xooggan!” – North Korea oo soo bandhigtay gantaalo baalistig ah oo gujisyada laga gano + Sawirro

0

(Pyongyang) 15 Jan 2021 – North Korea ayaa soo bandhigtay wax u muuqda gantaalaha baalistigga ee laga gano gujiska (SLMB), bandhig uu kasoo muuqday Hoggaanka dalkaasi ee Kim Jong-un oo lagu qabtay fagaaraha Il Sung Square.

Wakaaladda Wararka KCNA ayaa sheegtay in “hubka dunida ugu xooggan, baalistigga laga gano gujiska, uu meesha marayo, taasoo laga garan karo cududda ciidan ee NK”, sida ay yiraahdeen.

Gantaalkan oo lagu magacaabo Pukguksong-5, ayaa ka dhigan noocii hore ee Pukguksong-4 oo Oktoobar lagu soo bandhigay rigayn ciidan oo middan oo kale oo la casriyeeyey.

“Gantaalkan cusubi wuxuu u muuqdaa mid ka dheer midkii hore.” ayuu yiri Michael Duitsman, oo ah cilmi baare ka tirsan  hay’adda California-saldhigata ee James Martin Center for Nonproliferation Studies (CNS), oo qoraal dhigay Twitter.

Ankit Panda, oo ka tirsan dadka u dhuun daloola hubka halista ah ee nukliyeerka kana mid ah mac’hadka Carnegie Endowment for International Peace ayaa qiray in “gantaalkan aan horay loo arag”.

Si kastaba, rigadan cusub ayaan lagu soo bandhigin gantaalka baalistigga berriga (ICBM) oo la aaminsan yahay inuu madaxyada nukliyeerka qaadi karo isagoo gaari kara bartilmaameed kasta oo ku yaalla Maraykanka.

Hadalsame Media