KU XUMAYN: Jidka hor mara Safaaradda Sucuudiga ee Washington, DC oo loogu magac darayo Jamaal Khashuuqji

0

(Washington, DC) 15 Jan 2021 – Nin ka tirsan Golaha Degaanka caasimadda Washington, DC City Council ayaa soo jeediyey in jid ka mid ah kuwa magaalada loogu magac daro weriyihii la qalay ee Jamal Khashuuqji.

Brooke Pinto oo hindisahan shalay keenay ayaa ku baaqaya in kHASHUUQJI, oo degmada ku noolaa, isla markaana ahaa nin ”si adag ugu qarreema dimoqraadiyadda”, xuquuqul insaanka iyo nidaamka iyo kala dambaynta la maamuuso.

Khashuuqji oo aad u dhaliili jirey nidaamka Sucuudiga ayaa sidoo kale maqaal qore ka ahaa Washington Post iyo Middle East Eye, ayaa waxaa Qunsuliyadda Sucuudiga ee Istanbuul ku qalay kaddibna jarjaray wakiillo laga soo diray Riyaad 2-dii Oktootab 2018-kii.

Jidka ayaa loogu magac dari doonaa – Jamal Khashoggi Way – waxaana ugu yaab badan inuu yahay midka hor mara Safaaradda Sucuudiga ee Washington, DC.

”Qof kasta oo booqda Safaaradda Sucuudiga waxaa la xusuusin doonaa magacii iyo geesinnimadii Md Khashuuqji” – Brooke Pinto, DC Councilmember.

Hadalsame Media