Xog aan horay loo haynin oo kasoo baxday dilkii Seyoum Mesfin (Millateriga oo sheegay inay heleen isagoo nool kaddib maxaa dhacay?)

0

(Addis Ababa) 14 Jan 2021 – Ciidamada Itoobiya ayaa shalay sheegay inay dileen wasiirro Tigree ah oo horay uga tirsanaa DF oo uu ku jiro Wasiir Dibadeedkii hore ee Seyoum Mesfin.

Raggan oo ka tirsanaa TPLF ayaa la diley, halka 5 sarkaal oo kalena nolosha lagu qabtay, balse waxaa soo baxaysa xog cusub oo ku saabsan dilka madaxda la toogtey.

Raggan ayaa la helay kahor inta aan la dilin, waxayna millaterigu ku amreen inay is dhiibaan, balse waxaa diidey rag uu ka mid yahay Mesfin, taasoo keentay in la toogto, sida ay sheegeen Ciidanka Itoobiya oo warkaa ku faafiyey Twitter.

DF ayaa todobaadkii hore sheegtay inay dishey 15 xubnood isla markaana ay qabatay 8-9 xubnood oo uu ka mid ahaa Sebhat Nega, oo wax ka asaasay TPLF.

Dowladda RW Abiy Ahmed ayaa 28-kii Nofeembar sheegatay inay ku guulaysatey dagaalkii ay ku qaadday fallaagada TPLF, balse weli dagaalku si buuxda uma dhamaanin, waloow uusan dagaal wayn ahayn.

Seyoum ayaa Itoobiya Wasiir Dibadeed ka ahaa muddo 9 sanadood ah min 1991-kii ilaa 2010.

Hadalsame Media

Facebook Comments