Sheekh Usuuli oo ka digey dhibaato ka dhalatay su’aalaha uu ka jawaabo ee la jarjaro (Qoys isku khilaafay)

0

(London) 14 Jan 2021 – Sheekh Usuuli oo ka mid ah culumada caanka ah ee Soomaaliyeed ayaa ka digey arrin beryahan soo kordhaysa oo ku saabsan sida loo adeegsado su’aalaha diiniga ah ee uu dadwaynaha uga jawaabo.

Sheekha oo ku dhaqan Ingiriiska ayaa dadku su’aalo ka waydiiyaan barnaamij uu ka qabto hilinka Universal TV isagoo isla hilinkaas waraysi uu siiyey uga hadlay dad jarjara su’aalaha iyo jawaabaha kaddibna lacag uga raadsada Youtube iyo qaar maad ka dhigta.

Wuxuu ka hadlay in intii jarjariddan la wadey ay xitaa sababtay in codadkii la wareejinayey ay garteen dadkii uu guurku kala dhexeeyey, maadaama ay dadka qaarkood is qariyaan oo aysan magacyo sax ah sheegin.

Wuxuu sheekhu sheegay in nin horay su’aalo usoo waydiiyey ay xaaskiisu garatay kaddib markii aad loo wareejiyey su’aashiisa kaddibna uu meeshii khilaaf ka yimid maadaama la jarjaray oo aanu qofku wada maqlin moowduuca, wuxuuna dadka ugu baaqay in ay si khaldan u adeegsanayaan moowduuca oo ay joojiyaan faafinta maadaysiga ku dhisan.

Hadalsame Media