Qaadashada Baasaboorka Sweden oo lagu soo darayo shuruudo cusub (Warbixin muhim ah)

0

(Stockholm) 14 Jan 2021 – Wasiirka Sinnaanta & Socdaalka Sweden, Morgan Johansson, ayaa sheegay in la dhaqan gelinayo hindise ay isku raaceen Dowladda Sweden iyo axsaabta C iyo L, si imtixaan luuqadeed iyo mid Cilmiga Bulshada ah looga qaado dadka dalbanaya Baasaboorka Sweden.

Kuma jiraan dadka waayeelka ah

Dadka imtixaankan la marinayo waa dadka jira da’da u dhaxaysa 16-jir ilaa 66-jir, iyadoo dadka intaa ka wayn ama ka yar laga reebay imtixaanka, gaar ahaan waayeelka oo ay ku adag tahay barashada luuqaddu xitaa haddii ay dhigteen SFI, sida kasoo baxday baare Mari Andersson.

Imtixaanka ayaa waxaa diyaarinaya hay’adda waxbarashada Sweden ee Skolverket waxaana agaasimaya jaamacadaha iyo dugsiyada sare ee dowladda, waxaana qofka laga doonayaa inuu ku baaso imtixaan looga qaadayo luuqadda Swedish-ka ee ajnabiga la baro (SFI) iyadoo dhegeysi iyo dhigid intaba iskugu jirta (läs- och hörförståelse).

Imtixaanka oo dhijitaal ah ayaa ku kacaya qiyaastii 2 000 oo karoon oo dhanka luuqadda ah iyo 500 oo ah imtixaanka Cilmiga Bulshada (samhällskunskap).

Waxaa hirgelinta hindisahani bilaabmayaa doorashada soo aaddan, balse wuxuu toos u dhaqan geli karaa 1-da Jannaayo 2025-ka.

Waxaa Diyaariyey: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media