Qaabka ay inta badan u shaqayso saxaafadda Soomaalida oo KHALAD wayn laga calaameeyey

0

(Hadalsame) 14 Jan 2021 – Wargeyska, raadiyowga iyo tvga Af Soomaaliga ku hadla anigu qof ahaan ka ma helo wax ka badan warka maalintaa dhulka Soomaalida ka dhaca oo weliba beddelan. Warka u gu badan ee la ga sheegaana waa nin hadlay iyo nin u jawaabay. Bes. Qof uun baa hadlaya. Laakiin hawsha warbaahintu aad iyo aad bay u ga ballaadhan tahay soo tebinta wax markaa dhacay iyo qof maalintaa hadlay.

Saxaafaddu waa il xogeed, il aqooneed iyo il maaweelo aan la’aanteed bani aadanku waxba ahaadeen. Waxaa la ga ogaadaa la gana bartaa dhammaan aqoonaha jira iyo waxa jiritaanka ku jira oo dhan.

Saxaafaddu sida ay Af Soomaaliga ku tahay “warbaahin” waa ku qalad, waayo warku waa in yar oo ka mid ah waxyaalaha aadka u badan ee ay ka shaqayso. Wax ay ka shaqaysaa in ay dadka hor keento oo barto wax wal oo dunida jira ama jiri jiray. Waxaa la ga bartaa juqraafiga, taariikhda, culuunta bulshada, dhaqaalaha, sayniska, afka, suugaanta, fanka, fikirka iyo idil ahaan aqoonaha jira.

Si waxaas oo dhan loo ga helo waxaa shardi ah in la helo suxufi aqoon leh. Aqoonta suxufiga loo ga baahan yahay ma aha oo keliya barashada xirfadda saxaafadda ee waxaa kale oo loo ga baahan yahay aqoon guud oo baaxad leh. Suxufigu ma aha qof kamarad iyo makarafoon iibsada oo marba qofka hadlaya sawir iyo cod ka soo duuba. Suxufigu ma aha ruux uu maalinba ninka qolo caayaya ama been sheegayaa u yeedho. Ma aha guulwade liita oo nin qayrkii ah xayaysiinaya.

Suxufigu waa qof leh takhasus aqooneed kuna shaqeeya xogogaalnimo. Suxufiga dhisan ee aqoonta iyo xilkasnimada lihi waa heer ka mid ah heerarka u gu sarreeya ee ilbaxnimada bani aadanku gaadho.

Fadlan sii faafi….

Qalinkii: Ibraahim Hawd.

Hadalsame Media