”Nairobi waa nagu wayn tahay!” – Nin Soomaali ah oo markii ugu horreeysey doonaya inuu u tartamo Barasaabnimada Nairobi

0

(Nairobi) 14 Jan 2021 – Xildhibaankii hore ee Mandera Central oo sidoo kale qarreen ah, Abdikadir Mohamed, ayaa sheegay inuu xiisaynayo inuu u tartamo Barasaabnimada caasimadda Nairobi.

Mohamed, oo horay u ahaa Guddoonka Guddi Hoosaadka Baarlamanka ee Doorashada (PSC), halkaasoo uu xildhibaan ka ahaa min 2007 ilaa 2013-kii isagoo siyaasadda ka baxay kaddib markii uu sheegay inay ”naftiisa ceejisey”, balse wuxuu soo laabtay 2014-kii, isagoo la taliye dhanka sharciga iyo dastuurka ka noqday xafiiska MW Kenya.

Balse wuxuu ka tegey 2017-kii, isagoo kaddib u weecday dhanka ganacsiga iyo arrimaha sharciga ah, isagoo 3 todobaad kahor ka mid ahaa qareenno uu abaalmarin siiyey Chief Justice David Maraga.

Mohamed ayaa haddii uu isa sharroxo wuxuu noqonayaa furun cusub oo ku furmaysa dookhyada MW Uhuru Kenyatta, ninka mucaaradka ah ee Raila Odinga iyo MW Xigeenka William Ruto.

Wuxuu sheegay in “Nairobi oo uu sheegay inuu 80% waqtigiisa ku qaato ay ka muhiimsan tahay magaalo looga tago siyaasiyiin uu ku sheegay ”tuugo” kuwaasoo lumiya sawirka wayn, kaddibna dhulka la gala,” isagoo tilmaamay inuusan siyaasadda ka bixin balse uu dheelayey door hoose oo uu ku qaabaynayo xukun wanaagga gaar ahaan degmooyinka.

Mohamed ayaa Baarlamanka dhexe ku galay tikitka xisbigii Safina isagoo ku jirey da’d sodomeeyada, isagoo guddoonka gudiga arrimaha dastuurka ka dul qaaday rag jilib wayn ahaa sida MW Xigeenka haatan ee William Ruto.

Hadalsame Media