Jillaaga caanka ah ee Bruce Willis oo laga eryey farmashiye ku yaalla magaalada Los Angeles + Sababta

0

(Los Angeles) 14 Jan 2021 – Jillaaga caanka ah ee Bruce Willis ayaa qirtay inuu “talo xumo” sameeyey kaddib markii uu diidey inuu xirto maasgaraha Covid-19, taasoo keentay in laga eryo farmashiye ku yaalla magaalada Los Angeles.

Jilaaga film-ka qaybaha badan ee Die Hard, 65-jir, ayay sawirrada Paparazzi-gu qabteen isaga oo gelaya kana baxaya Farmashiyaha California isagoo aan xirnayn maasgare ama gafuur-saab.

“Waxay ahayd talo xumo iga dhacday. Qof kastoow xiro maasgaraha.” ayuu Willis u sheegay majaladda People.

In maasgare la xirto ayaa ah amar kasoo baxay Duqa Magaalada Los Angeles, Eric Garcetti, markasta oo uu qofku gurigiisa kasoo boxo si loogula tacaalo cudurka Covid-19, iyadoo ay shacabku baraha bulshada aad ugu dhaliileen jilaaga Willis oo ay ugu yeereen “Covidiot”, iyagoo ku tilmaamay mid isa siinaya mudnaan gaar ah.

Hadalsame Media