Imaaraadka oo mashruuc kale oo muhim ah ka bilaabay magaalada Berbera & dadka ka faa’iidaysanaya

0

(Berbera) 14 Jan 2021 – Imaaraadka oo mashaariic horumarineed ka wada Somaliland ayaa maalgelinaya mashruuc tamarta qorraxda koronto looga dhalinayo oo laga hirgelinayo Berbera oo ah magaalo maarsada ugu muhiimsan halkaasi.

MW Xigeenka Somaliland, Abdirahman Abdillahi Ismail (Saylici) ayaa xarigga ka jaray mashruuca isaga oo uu wehlinayo Wasiirka Maaliyadda, Dr Sacad Ali Shire.

Mashruuca oo ay ku baxayso USD 7.98 Milyan oo doollar ayaa waxaa bixinaysa Abu dhabi Development Fund ujeedkuna waa inay dadka aanu dakhligoodu fiicnayn iyo danyartu uga faa’iidaystaan helitaanka koronto jaban.

Korontada kasoo baxda marxiyaashan ayaa lagu xiri doonaa midda Degmada Berbera oo ay deggan yihiin dad lagu qiyaaso 50,000 oo qof, waxaana wada maamulaya Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta Somaliland iyo Sharikadda Tamarta Berbera, waxaana ay Wasaaraddu shirkada gaarka ah ku boorrisey inay unit-kii koronto ah gaarsiiyaan $ 0.10 oo centi.

Hadalsame Media