Baasaboorka Somalia oo ”xoogaysanaya” xilli uu weli ka tirsan yahay kuwa ugu liita caalamka

0

(London) 14 Jan 2021 – Baasaboorka Somalia ayaa qiimayntii ugu dambeeysey noqday kan 5-aad ee ugu liita dunida marka la eego inta dal ee lagu geli karo sida ay qabto shirkadda arrimaha dhalashada iyo socdaalka falanqaysa ee UK fadhisa ee Henley and Partners oo 199 dal oo dunida qiimayneysey tan iyo 2006.

Somalia ayaa baasaboorkeeda waxaa lagu geli karaa 33 dal, kuwaasoo 5 dal oo qura oo ka tirsan lagu geli karo fiise la’aan, halka 26 kale fiisaha lagu siinayo marka la yimaado garoonka ama xuduudda dalalkaasi.

Dalalka Afghanistan, Iraq, Syria iyo Pakistan ayaa ka baasaboor liita Somalia, halka Yaman ay isku fac yihiin Somalia oo ay min 33 dal fiise la’aan tegi karaan. Tan ayaa ka dhigan in Baasabboorka Somalia uu sare u kacayo, marka si nisbi ah wax loo eego, gaar ahaan heerkii uu gaarey xilligii dowlad la’aanta.

Sanadkan waxaa 1-aad galay Japan oo baasaboorkiisu geli karo 191 dal, waxaana ku xigta South Korea, halka uu 3-aad galay Jarmanku.

BAASABOORRADA UGU XOOGGAN 2021

1. Japan (191 destinations)

2. Singapore (190)

3. South Korea, Germany (189)

4. Italy, Finland, Spain, Luxembourg (188)

5. Denmark, Austria (187)

6. Sweden, France, Portugal, Netherlands, Ireland (186)

7. Switzerland, United States, United Kingdom, Norway, Belgium, New Zealand (185)

8. Greece, Malta, Czech Republic, Australia (184)

9. Canada (183)

10. Hungary (181)

BAASABOORRADA UGU LIITA 2021

101. Iran, Bangladesh (41 destinations)

102. Lebanon, Kosovo, Sudan (40)

103. North Korea (39)

104. Libya, Nepal (38)

105. Palestinian territories (37)

106. Somalia, Yemen (33)

107. Pakistan (32)

108. Syria (29)

109. Iraq (28)

110. Afghanistan (26)

Hadalsame Media