AC Milan oo heshiis la gaartey Soualiho Meïté (Goorta la filanayo)

0

(Milano) 14 Jan 2021 – Heshiis dhacay. Soualiho Meïté ayaa ku biiraya AC Milan isagoo saacadaha soo socda caafimaadka maraya si deeto heshiiska loo rasmiyeeyo.

Milan ayaa ku dhaqsanaysa geeddi socodka si uu laacibku diyaar ugu noqdo kulanka Isniinta ay doolka ku tahay guriga Cagliari.

Laacibkan 26-jirka ah oo ka imanaya Torino ayaa ka dheela boosas badan oo khad dhexe ah wuxuuna nasin karaa Kessie iyo Bin Naasir midkoodba isagoo leh baxaalli kubadeed oo farsamo iyo jirba leh.

Meite oo Torino uga soo biiray Monaco Luulyo 2018-kii isagoo lagu soo qaatay €11.5m iyadoo haatan lagu soo qaatay lacag 10 milyan ah oo amaah ah.

Halkan ka daawo.

Hadalsame Media