Itoobiya oo digniin culus u dirtay dalka Suudaan & dagaal furan laga cabsi qado + Jawaabta Suudaan

0

(Addis Ababa) 13 Jan 2021 – Itoobiya ayaa Ciidanka Suudaan ku eedeeysay inay kusii siqayaan gobol ay isku hayaan labada dal, iyadoo sheegtay in wajihitaanka “nabadeed” ee ay qaadday uu “xad leeyahay”.

Labada dal oo wadaaga xad dherersan 1,600km (994mayl), waxay isku haystaan gobolka al-Fashqa, halkaasoo ah dhul cosob ah oo ay Itoobiyaanku cudbiga iyo miro kale ku beeraan, waloow ay Suudaan dhulkaa sheegato.

Itoobiya ayaa iminka sheegtay in arrinta Ciidanka Suudaan ee dhulkaa la wareegey ay ilaa haatan ku wajahayaan xal diblomaasiyadeed, balse ay taasi xad yeelan doonto.

Horraantii bishii hore ayay Suudaan waxay Itoobiya ku eedaysay inay ciidankooda iyo malliishiyaad Itoobiyaan ihi ay weerar gaadmo ah kusoo qaadeen kaddibna ay kaga dileen 4 askaro 20 kalena ku dhaawaceen.

Suudaan ayaa sidoo kale warkan cusub ku tilmaantay mid uu ka muuqdo moowqif cadaawadeed, balse aysan iyaguna doonaynin dagaal ay la galaan Itoobiya, haddii lasoo weeraro se ay ka jawaabi doonaan, sida uu sheegay Wasiirka Warfaafinta Suudaan oo sidoo kale Afhayeenka Dowladda, Feisal Mohamed Saleh.

Arrintan ayaa sidoo kale leh xasaasiyad istaraatiji ah maadaama ay Suudaan iyo Masar ay Itoobiya ku khilaafsan yihiin biyo xireenka GERD.

Hadalsame Media